U bood dhigaalka

Dhageyso: Villa Somalia Oo Lagu Eedeeyay Inay Faragalineyso Doorashada Puntland 2019

Sheeko:Amniga

Xukuumadda federaalka ayaa lagu eedeeyay in ay faragalin ku sameyneyso arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada, xilli qaar kamid ah maamulladu ay galayaan doorashooyinka madaxtinimada.

Siyaasi Ciise Maxamuud oo kamid ah siyaasiyiinta ka faalooda siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee Puntland ku soo food leh.

Wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya in ay faragalin ku heyso  doorashooyinka dowlad goboleedyada oo ay doonayso in baarlamaan iyada daacad u ah ay ka soo baxaan gobollada sida uu hadalka u dhigay.

Si gaar ah wuxuu farta ugu fiiqay Puntland oo uu sheegay in arrintaasi ay ka jirto, waxaana uu sheegay in ay ogsoon yihiin faragalinta ka soconaysa gudaha Puntland.

“Dowladda federaalka ahi waqtigeedu waxay ku dhuminaysaa in ay beddasho baarlamaannada dowlad goboleedyada” ayuu yiri Siyaasi Ciise Maxamuud.

Wuxuu intaas raaciyay in madaxda Villa Somalia aynaan ka war heynin in aysan ahayn dowlad xooggan oo dalkoo dhan heysa, islamarkaana awood ciidan oo dadka ay ku maquuniso aysan lahayn.

Dhanka kale, waxaan wax ka weydiinnay khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedtyada.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News