U bood dhigaalka

Dhageyso: Waa maxay ahmiyadda Soomaaliya ay u leedahay shirarkii ka dhacay London?

Sheeko:Dalka

Magaalada London ee Dalka Ingiriiska waxa ka dhacay shirar kala duwan, oo diirada lagu saaray arimo ay ka mid ahaayeen , shidaalka iyo macdanta ay qaniga ku yihiin dalalka qaarada Afrika.

Shir ay ka qayb galeen Hogaamiyaal ka socday dalalka Caalamka loogana hadlay shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya ayaa ka dhacay Magaalada London.

Shirkan waxa dhinaca Soomaaliya uga qayb galay wafdi uu Hogaaminayay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Mid kan la mid ah oo uu Soomaaliya u matalayay Madaxwaynaha Puntland ayaa lagu qabtay isla Magaalada London, waxana ka qayb galay dalal dhawr ah oo Afrika ku yaala, kuwaas oo qani ku ah wax soo saarka xaga shidaalka.

Hadaba Goobjoog Fm ayaa qadka taleefanka kula xiriirtay Prof Yahye Cali Ibraahin oo ah Hogaamiyaha Jaamacada SIU ee Muqdisho, waxaynu wax ka weydiinay danta Soomaaliya ugu jirta shirarkaas.

Waxa uu sheegay Prof Yahye in tani muhiim u tahay Soomaaliya, maadaama dalka uu kasoo baxaayo dagaalo iyo bur bur dhacay.

Maalgashiga Soomaaliya ayuu sheegay in wax badan ay ka horeeyaan sdia sharci adag oo ah xakameynta maalgashiga shisheeye, iyo qodobo kale.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Prof Yahye Cali Ibraahim.

 

Goobjoog News