U bood dhigaalka

Dhageyso: Waa Maxay Caqabadaha Ku Geedaaman Shirka Asmara?

Sheeko:Dalka

Maanta waxaa magaalada Asmara ee caasimadda wadanka Eratariya uga billaabanaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, Dhiggiisa Eratariya Asaias Afawerki iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed shir qaadanaya laba cisho.

Saacado ka hor qoraal uu soo saaray wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Cawad oo qeyb ka ah safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in shirkaasi looga arrinsanayo arrimaha dhaqaalaha, islamarkaana Soomaaliya ay muhiim tahay in ay ka qaadato doorkeeda.

Haddaba, Danjire hore Maxamed Maxamuud Caalim ayaa Goobjoog News ay ka wareysatay shirkani u gaarka ah dowladaha Itoobiya Eratariya iyo Soomaaliya waxa xilligani ku soo beegay, isagoo su’aal galiyay wax aan midowga Afrika iyo IGAD ka warqabin natiijada ka soo bixi karta.

Dowladda Jabuuti oo xurgufi kala dhaxeeyso Eratariya ayaa sidoo kale shirkani maanta ka furmaya Asmara qeyb ka ahayn, taasoo sii kicin karta xiisadda labadaas dowladood ka dhaxeeysay.

Horraantii bishii aynu ka soo gudubnay ayaa qoraal laga soo saaray safaaradda Jabuuti ee Muqdisho lagu sheegay in dowladda Jabuuti iyo shacabkeedu ay aad uga naxeen baaqii madaxweynaha Soomaaliya uu u diray Qaramada Madoobe kaasoo ahaa in cunaqabataynta laga qaado Eratariya dabayaaqadii bishii July ee isla sanadkaan oo uu socdaal seddex cisho ah ku joogay magaalada Asmara.

Halka Hoose Ka Dhageyso:

 

Goobjoog News