U bood dhigaalka

Dhageyso: Waa Maxay Danta Ku Jirta Shir Weynaha Qaran Ee Maanta Ka Furmaya Muqdisho?

Sheeko:Dalka

Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho uu ka furmo shirweynaha qaran ee dastuurka, iyadoo ay ka qeybgali doonaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, xubno ka socda beesha caalamka, maamul goboleedyada dalka iyo marti kale.

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud oo ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in shirkaan ay ku jirto dan aad u weyn, islamarkaana muhiim u yahay dalka iyo dadka.

Waxa uu tilmaamay in ay wacan tahay in shir sidan oo kale ah la qabto si la saga wareysto halka ay marayaan howlaha dib u eegista dastuurka, waxa hagaagay iyo halka loo socdo.

Sidoo kale aqoonyahankan ayaa sheegay in maamul goboleedyada aan looga baahneyn ka maqnaanshiyaha shirkan oo muhiimad gaar ah leh, kuna ixtiraamaan dowladda federaalka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News