U bood dhigaalka

Dhageyso: Waare Oo Ka Hadlay Shirarka Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabella Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay shirar ay maalmihii dambe magaalada Nairobi ku yeesheen madaxda dowlad goboleedyada.

Waare ayaa sheegay in aanu sharci ahayn shir uu ka maqan yahay maamulkooda oo ay isugu yimaadaan golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamullada kale ay xaq u leeyihiin iney shirar gaar ah yeeshaan, balse shirka golaha aanu qabsoomi karin inta maamul ka maqan yahay.

Maamul walbo ayuu sheegay in go’aankiisa lagu qadarinayo, islamarkaana aanay jiri doonin maamul wax lagu maquuniyo.

Maamulka Hirshabelle ayaa dhowana la heshiiyey dowladda federaalka, halka maamullada Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo K/galbeed weli ku adkeysanayaan go’aankoodii ahaa iney hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen DFS.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News