U bood dhigaalka

Dhageyso: Wadahadallo Lagu Qaboojinayo Dagaalka Ka Socda Gobolka Sool

Sheeko:Amniga

Waxgarad iyo culimo ayaa wada dedaallo ay ku doonayaan in lagu xalliyo dagaal beeleed ka dhacay deegaan ka mid ah gobolka Sool.

Dagaalladan oo ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ayaa waxaa ku dhintey ku dhowaad 20 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

Dagaalkan ayaa bilowday shalay waxaa uuna u dhaxeeyaa beelo wada dega deegaanka Dhumay ee ka tirsan gobolka Sool, waxaana socda waan waan lagu joojinayo dagaalkan.

Waxgaradka iyo Culimada ku dhaqan bobolka Sool ayaa waxaa ay sheegeen in ay wadaan wadahadallo lagu qaboojinayo dagaalka u dhaxeeya Maleeshiyaadka.

Dagaal beeleedkani oo u dhaxeysa malleeshiyaad kasoo kala jeeda laba beelood oo dirirtoodu soo laablaabtay ayaa waxaa la sheegay inay salka ku hayso aanooyin iyo dilal hore, oo heshiisyo horey looga gaarey fuli waayay.

Labada dhinac ma ahan markii ugu horeysay oo dagaal uu dhexmaro, midka hadda socda ayaa qeyb ka ah dagaallo mudo soo jiitamayay, oo sababay khasaarooyin dhimasha, dhaawac iyo barakac xooggan.

 

 

 

 

 

Goobjoog News