U bood dhigaalka

Dhageyso: Walaac Laga Muujiyey Khilaafka DFS Iyo Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Falanqeeyayaal dhanka siyaasadda ah ayaa sheegay in kala fogaanshiyaha siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada uu keeni karo dib u dhac ballaaran.

Waxa ay sheegeen iney adkaan doonto in xal laga gaaro arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo sidoo kale doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.

Cali Saciid Maxamuud Kulane oo ah falanqeeye siyaasadda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in haddii aan la helin xalka khilaafka uu dib u dhac badan imaan doono.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa weli ah mid taagan, iyadoo aanu xalka muuqan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News