U bood dhigaalka

Dhageyso: Waqtiga Lagu Dhowaaqayo Guddiga Doorashada K/galbeed Oo La Shaaciyey

Sheeko:Dalka

C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo ah guddoomiyaha baarlamaanka K/galbeed oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa shaaciyey waqtiga kama dambeysta ah ee lagu dhowaaqayo guddiga doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Maye ayaa ugu horreyn beeniyey warqad saakay illaa xalay lagu faafiyey baraha bulshada, taasi oo ku aadaneyn in la magacaabay guddiga doorashada K/galbeed.

Wuxuu sheegay in warqaddaasi ay sameeyeen dad uu sheegay ineysan ka fekerin wax ka imaan kara waxa ay qoreen, islamarkaana ay muuqatay iney been abuur tahay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalinta Axadda ah 21-10-2018 si rasmi ah ugu dhowaaqi doonaan xubnaha guddiga doorashada madaxweynaha K/galbeed.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News