U bood dhigaalka

Dhageyso: Warar Dheeraad Ah Oo Kusoo Kordhay Dagaalkii Baar-sanguuni

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa kusoo kordhay dagaal xooggan oo shalay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka DFS oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Gaashaanle Sare Maxamed Ibraahim Buulle, abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka oo saakay la hadlay Goobjoog, waxa uu sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi uu kordhay.

Waxa uu tilmaamay in Al-shabaab ay ka dileen 77 qof, kana gubeen gaadiid dagaal, isaga oo sheegay in sidoo kale ay jirto duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka.

Abaanduulaha ayaa tilmaamay sidoo kale, in dhankooda ay ka geeriyootey Lix askari islamarkaana dhaawac uu soo gaaray Afar kale.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News