U bood dhigaalka

Dhageyso: Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Dadkii Dhawaan Ku Sumoobay Biyo Ay Cabeen Degmada Yaaqshiid Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

DSC05610Dhawaan dad badan oo deganaa xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid ayaa ku sumoobay biyo ay cabeen, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof Boqolaal kalena Isbitaalada loola cararay.

Dadka ayaa markii ay biyaha cabeen waxaa kusoo booday shuban Biyood iyo Matag, waxaana dadka la geeyay Isbitaalka Carafaat oo hadda lagu daweynayo.

Wariyaheena Kowthar Cabdiraxmaan Cilmo oo gaartay xaafadda Juungal oo dhacdadaan ka dhacday iyo Isbitaalka Carafaat oo dadka la geeyay ayaa waxay la kulantay dadkii bukaanka ahaa Qaarkood, ehlada dad halkaasi ku dhintay iyo sidoo kale dhaqaatiirka ka howlgasha Isbitaalka Carafaat.

Qaar ka mid ah Bukaanadaan waxay sheegeen in ay xanuunkooda u aaneynayaan ka dib markii ay cabeen biyaha mid ka mid ah ceelasha ku yaala xaafadaasi.

Sidoo kale wariyaheena ayaa soo xog wareysatay mid ka mid ah Aabayaasha xaafadda Carafaat oo gabar yar oo uu dhalay u geeriyoota shubankaan, isaga oo ka sheekeeyay xaaladii uu ku arkay canugtiisa yareed.

Dhinaca kale maamulka Isbitaalka Carafaat oo maalmo badan ku howlanaa daweynta dadkaan sumoobay ayaa ka sheekeeyay hadda xaaladda guud ee dadkaan sida ay tahay iyo sidoo kale hadii ay jiraan dad ku dhintay Isbitaalkaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News