U bood dhigaalka

Dhageyso: Warbixin Ka Hadleysa Mugdiga Ka Jira Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Layrarka cadceeda ku shaqeeya ee laga hirgaliyey magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo ay ku yimaadaan cilado joogta ah mana jirto cid si lixaad leh wax uga qabato.

Qeybo badan oo ka mid ah magaalada sida waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa ah kuwo habeenkii mugdi ah, mas’uuliyadda koowaad oo ah in la hagaajiyo Layrarka cadceeda ku shaqeeya ee gobolka Banaadir laga hirgaliyey waxay hoostagaan waaxyo kala duwan oo gobolka Banaadir uu leeyahay waxaana ka mid ah Waaxda Soolarada iyo Ifinta Muqdisho oo shaqadii loo baahnaa aysan qaban.

Dadka Muqdisho oo meelo kala duwan aan kula kulannay ayaa sheegay in dhibaato xooggan ay ku qabaan adeegsiga waddooyinka xilliyada habeenkii maadaama waddooyinka ay yihiin kuwo Mugdi ah.

Cabdiqani Maxamed Axmed oo ah agaasimaha Soolarka iyo Korontada gobolka Banaadir ayaa Goobjoog News u sheegay in ay wadaan qorshe lagu dayactirayo Layrark ku shaqeeya cadceeda ee halaysan .

“Run ahaantii Ileynta magaalada Muqdisho waa arrin aad muhiim u ah marka la yiraahdo ifinta iyo qurxinta waa shaqooyinka aadka ay magaalada ugu baahantahay gobolka Banaadirna ay siinayaan muhiimadda ugu horreysa”.

Mugdiga ka jira magaalada Muqdisho habeenkii ayaa sababay in qeybo ka mid ah magaalada dadka looga dhaco taleefoonnada gacanta iyo agabka kale ay wataan iyada oo loogalayo jidadka ay adeegsanayaan.

 

 

 

 

W/D: Cali Aadan Muumin

Goobjoog News