U bood dhigaalka

Dhageyso: Warbixin Ku Saabsan Farqiga u Dhaxeeya Shidaalka Lagu Iibiyo Kaalimaha Iyo Midka Hareeraha Wadooyinka Lala Fadhiyo

Sheeko:Dalka

ShidaalMudooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay Kaalimo shidaalka ah, oo laga helayo adeegyada gaadiidka ay u baahan yihiin.

Waxaa goobahaan loo dhisay qaab aad u qurxoon, leh goobo gaadiidka la dhigayo, lagu meyrayo, iyadoo si deg deg ah in gariga loogu shubayo shidaalka.

Iyadoo xarumahaan ay sidaan usoo badanayaan ayaa hadana waxaa jira ganacsatada kale ee iyaguna hareeraha wadooyinka ku iibiya shidaalka qiimo ahaanna farqi ayaa u dhaxeeya.

Hadaba wariyaheena Maxamuud Cismaan Warsame oo warbixin arintaan ka diyaariyay ayaa kulan la yeeshay Ganacsatadaan shidaalka, hadii ay ahaan lahaayeen kuwa Kaalimaha iyo sidoo kale kuwa hareeraha wadooyinka ku iibiya.

Xasan Axmed Cali Waxa uu ka mid yahay dadka shidaalka ku iibiya Kaalimaha magaalada Muqdisho, waxa uu sharaxaad ka bixiyay sida marka hore ay ugu suurta gashay in xarun ay leedahay dowladda ay kaalin shidaal ka furtaan, qiimaha shidaalka ay ku iibiyaan iyo sidoo kale adeegyada ay qabtaan.

“Halkii Liter waxaan iibinaa 17-kun Shilin Soomaali ah, kuwa laamiyada wax ku iibiya waan ka qiimo jabannahay, waan ka dhaqo badannahay marka aan gaariga shidaalka ku shubeyno, waxaa kaloo dheer waxaan haynaa adeegyo badan sida dhaqidda gaadiidka, Ooliyada oo la bedalo iyo qalabka qurxinta gaadiidka, dhulkaan dowladda ayaa leh, hadana waan is fahamnay oo canshuur ayaan dhiibnaa” ayuu yiri Xasan Axmed Cali

Dhinaca kale Maryan Maxamuud Shiino waxa ay ka mid tahay Haweenka shidaalka ku iibiya Nawaaxiga dekada Magaalada Muqdisho, waxaana ay ka hadashay farqiga u dhaxeeya iyaga iyo Kaalimaha shidaalka, iyo sidoo kale hadii ay jirto cabsi ah in suuqa ay ka baxaan.

“Halka Liter waxaan iibinaa 18-kun oo shilin Soomaali ah, kaalimaha shiidaalka kama qaalisanin anaga, mida kale kaalimaha shidaalka anaga Suuqa nagama saari karaan, maxaa yeelay dhowr iyo Labaatan Sano ayaan shaqadaan wadnay, dadka shidaalka naga qaato waa kuwo macaamiisheena ah, nolol maalmeeda waxaan kasoo saartaa fuustadii oo aan kasoo bixiyay 160, waxaan aniga sii iibinayaa 180, marka waxaa iigu jirta 20 Doolar” ayeey tiri ayuu yiri Xasan Axmed Cali.

Darawal magaciisa inoogu sheegay Faarax Ganeey waxa uu sheegay in hadii ay yihiin gaadiidleyda ay aad u jecelyihiin shidaalka inay ka iibsadaan Haweenka Wadooyinka hareerahooda fadhiya sababtana waxa uu ku sheegay in Kaalimaha mararka qaar ay kala kulmaan in Aariyo Ama Hawo ay dadka ka iibiyaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixintaan oo uu soo diraayiyay Wariyaheena Maxamuud Cisman Warsame.

Goobjoog News