U bood dhigaalka

Dhageyso: Warbixin La Xiriirta Musuqa Somalia Oo Loo Gudbiyay Baarlamaanka Yurub

Sheeko:Amniga

Ururka bulshada Soomaaliyeed ee Yurub(European Somali Assosiation)  ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 01-Oct-2018 warbixin ku saabsan la dagaallanka musuqmaasuqa u gudbiyeen baarlamaanka reer Yurub.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in la helo dad ka madaxbannaan xukuumadda federaalka oo qeyb ka noqda ciribtirka musuqa ka jira Soomaaliya.

Inkastoo Madaxda ugu sarreeysa Villa Somalia sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay had iyo goor ku celceliyaan in ay la dagaallamayaan musuqa ayaa haddana, waxaanan la dafiri karin in weli uu ka dhex jiro hay’ado kamid ah dowladda.

Musuqa oo ragaadiyay haykalkii dowladnimo ee Soomaaliya ayaa loo aaneeyaa  in 10-kii sano ee dambe sababta uu kor ugu kacay in ay tahay isagoo helin cid isku xil saartay in ay ka hortagto.

Haddaba, mareegta Goobjoog News waxay la hadashay guddoomiyaha ururkani Danjire Maxamed Caalim waxaana ugu horreeyn weydiinnay waxa xilligaan ku kallifay in ay soo saaraan warbixintani la xiriirta musuqa oo baarlamaanka reer Yurub iyo xafiisyo ay ku jiraan madaxda ugu sarreeysa dowladda ay u gudbiyaan.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

 

Goobjoog News