U bood dhigaalka

Dhageyso Wareysi: Garyaqaan Cabdiwaaxid Oo Ka Hadlay Arrimo Xasaasiya Si Adagna U Dhaliilay Villa Somalia

Sheeko:Amniga

Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame, oo wareysi dhinacyo kale duwan taabanaya siiyay Goobjoog News ayaa kaga warramay arrimo quseeya siyaasadda dalka.

Marka ugu horreeysa waxaan wax ka weydiinnay bal inuu ka warbixiyo arrimaha maalmahani la isla dhexmarayo oo ku aaddan baaqashada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee shirkii Qaramada Madoobe kaasoo madaxweynuhu uu ka baaqsanayo sanadkii labaad.

Abuukaate Cabdiwaaxid ayaa qaba aragtida ah in madaxweyne Farmaajo inuu ka baaqdo shirkaasi ay Soomaaliya oo uu matalo ceeb ay ku tahay.

Waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha la xiriira dhalashada Shisheeye oo madaxda dalka, wasiirro iyo xildhibaanno ay maanta heystaan.

Garyaqaanka ayaa sheegay in ay muhiim ahaan lahayd, in madaxdu ay ka tanaasulaan dhalashooyinkaasi iyagoo qiimeyn iyo qaddarin gaar ah siinaya shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo Goobjoog News ay wax ka weydiisay khilaafka siyaasadeed ee weli ka dhex taagan xukuumadda Muqdisho iyo dowladaha afarta ah sida Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland ayaa daboolka ka qaaday in madaxda u sarreeysa Villa Somalia aynaan aaminsanayn nidaamka federalism-ka.

Waxa uu ku eedeeyay Madaxtooyada in ay iyadu ay isku heysato golihii sharci dejinta ee aqalka hoose iyo xukuumaddiiba taasna ay meesha ka saarayso in uu dhaco isla xisaabtan dhab ah.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayuu ku eedeeyay inuu noqday nin isku heyn waayay nidaamka federaalismka ee maamullada ay ku dhisan yihiin.

Abuukaate Cabdiwaaxid, ayaa horay uga soo shaqeeyay wasaaradda beeraha iyo xeer ilaalinta dowladdii dhexe ee dalka soo martay, waxaana hadda uu ka shaqeeyaa xafiiska xeer ilaalinta gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Oo Dhammeystiran:

Goobjoog News