U bood dhigaalka

Dhageyso: Warka Subax ee Goobjoog 25-03-2020

Sheeko:Dalka

Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin:

Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka ayaa beenisay in Ciidamada Dowladda ay go’doomiyeen Guriga Madaxweynihii hore ee Sh Shariif Sh Axmed..

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay qalab caafimaad oo qayb ka qaadanaya qorshaha ka hor tegga Caabuqa CORONA.

Somaliland ayaa sheegtay in ay billaabi doonan Howlgallo looga hortagayo faafidda Caabuqa CORONA isla markana aysan ogolan doonin in Dadku isugu yimaadan koox koox.

Aqonyahn Soomaliyed ayaa sheegay in Dowladda somaliya ay heli kartay xal kale oo aan ahayn go’aan dhex-dhexaadinta ahaa ee ay ka qaadatay arrinta Masar iyo Itoobiya

Safaaradda Somaliya Dalka Koonfur Afrika ayaa hakisay shaqoyinkii ay hayeen bulshada, cabsi laga qabo faafidda Caabuqa COVID19.

Maamulka Gaaronka Diyaaradaha  Dhuusamareeb ayaa maanta shegay in ay gacanta ku dhigeen qaad laga qaaday Magaalada Muqdisho.

Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Jacfar Maxamed

Goobjoog News