U bood dhigaalka

Dhageyso: Warka Subax ee Goobjoog 30-03-2020

Sheeko:Dalka

Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin:

Dowladda dhexe ayaa ka hadashay qarixii xalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Guddomiyihii Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa xalay u geeriyoday Qarax ka dhacay Magaalada Garowe.

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax xalay ruux nafti hure ahaa uu ka fuliyay Magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in aan marnaba la xannibi doonin adeegyada muhiimka ah ee bulshada, xilli Wasaaradda Gaadiidka hore u shaacisay in la hakiyay duulmadyada gudaha.

Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeele ayaa sheegtay in aan weli la soo gaarsiin qalabdka Dwladda Federaalka ay qeybisay ee ka hortagga caabuqa COVID19.

Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Jacfar Maxamed

Goobjoog News