U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Oo Bilowday Olole Looga Hortagayo Fatahaadaha

Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa bilaabay olole dadka looga wacyi-gelinayo sida looga hortago Fatahaadaha ka jira qaar ka mid ah deegaannada Jubbaland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa dadka shacabka waxaa uu uga digay Fatahaadaha ka dhalan karo roobabka guga oo ka da’ayo deegaanno badan oo ka mid ah Jubbaland.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay u jeedka shirkan inuu yahay sidii dadka looga wac-gelin lahaa inay ka hortagaan Fatahaadaha kuwaasi oo waxyeeleyn kara dadka shacabka ah.

 

 

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada