U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Hadashay Muwaadin Soomaaliyeed oo Ka Yimid Shiinaha, Laguna Qabtay Garoonka Diyaaradaha

Sheeko:Dalka

Dr. Cabdi Risaaq Yusuf Axmed oo wasaaradda caafimaadka u ah  u qeybsanaha tayada caafimaadka ahna qofka uga hadla arrimaha coronavirus oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sharaxaad ka bixiyay dhacdadii maanta ka dhacaday garoonka Adan Cadde kaas oo muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid Shiinaha shalay uu soo gaaray magaalada Muqdisho.

Waxa uuna sheegay in muwaadinkii maanta ay diyaaradda Itoobiya keentay ee ka yimid Shiinaha la wareegtay wasaaradda oo la dejiyey meel gaar, oo fiican, lana xanaaneyn doono 14 maalin isaga oo intaas raaciyey in hadda uu caafimaad qabo, heer kulkiisa uu ahaa 36.

Waxaa uu eedda dusha ka saaray diyaaradda Itoobiya uu sheegay iney heshiis ka baxday oo ahaa in dalal sida Shiinaha, Iran , Talyaaniga iyo qaar kale u sheegeen in qofka 14 maalin ka yar kasoo maqan aaney dalka soo gelin, oo marka uu xilli huuriska dhameysto uun lasoo qaado.

Wasaaradda caafimaadka waxay sheegeysaa in go’aankaas ay qaadatey kadib markii aan weli la diyaarin xaruntii dadka lagu karantiilo ama xataa qalab iyo daawo casri oo aan oolin isla markaana aan khatar la gelin karin 15 milyan.

Halkan ka dhageyso wareysiga aan la yeelanay Dr-ka

Goobjoog News