U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasaaradda Cadaaladda Oo Sheegtay Iney Waddo Dedaal Ay Kula Dagaallameyso Musuqa

Sheeko:Dalka

Wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo dedaal ku aadan sidii ay dhankeeda ula dagaallami lahayd Musuq maasuqa.

Wasiirka Cadaalada Xasan Xuseen Xaaji oo tilmaamay in aysan suurtagal ahayn in hantida dadweynaha la lunsado.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in la dhammeystirayo guddigii la dagaallanka Musuqa oo shaqadiisa ay socoto, ayna sameeyaan guddigan baaritaannada musuqa ku aaddan.

Sharciga lagu dhisayo guddigan ayuu sheegay in golaha shacabka uu meelmariyey, islamarkaana aqalka sare uu yaallo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News