U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasaaradda Gargaarka DFS Oo Wadda Qorsheyaal Looga Hortagayo Abaaraha Iyo Fatahaadaha

Wasaaradda gargaarka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney waddo qorsheyaal ballaaran oo ay ku doonayaan in looga hortago xilliyada abaaraha iyo sidoo kale fatahaadaha wabiyada dalka mara.

Mukhtaar Shire Xuseen, agaasimaha wasaaraddan ayaa sheegay in wasaaradda ay ku howlan tahay qorsheyaal ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa maareynta musiibooyinka.

Wuxuu sheegay in muhiim ay tahay xilli walbo in la isku dayo sidii looga hortagi lahaa abaaraha iyo sidoo kale fatahaadaha, dadkana loo bari lahaa ka hortaggooda.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News