U bood dhigaalka

 Dhageyso: Wasiir Cawad “Qatar Ayaa Shir Guddoomiye Ka Ahayd Shirkii Maanta”

Sheeko:Amniga

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Muqdisho Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay shirkii maanta ku qabsoomay magaalo madaxda dalka ee Muqsdisho.

Wuxuu ku tilmaamay Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC mid taariikh ah oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka soo qeyb galeen inta badan dalal kale duwan oo ka mid ah iskaashiga Islaamka ugu qaabilsan yihiin taakuleynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Cawad ayaa afka ku ballaariyay in  Shirka Khudbad loo bogay uu ka jeediyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali waa sida uu sheegaye, kaasoo ku dheeraaday horumarka Soomaaliya gaartay iyo taageerada ay ka fileyso dalalka Islaamka maanta goobjooga ka ahaa shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Shirku si fiican ayuu u dhacay waxaa shirguddoomiye ka ahaa Dowladda Qadar, oo uu goobjoog ahaa Wasiiru dowlahooda arrimaha dibadda,waxaana kooxdaan loo yaqaano xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC guddoomiye u ah Qadar,martidu waxay ka mahad naqeen soo dhoweyntii diirneyd ee loo fidiyay,shirku wuxuu ku soo gaba-gaboobay inuu ka soo baxo dhambaal nurxurkiisu ahaa in dalalka iskaaskiga islaamka ay adkeeyaan midnimada dalka Soomaaliya iyo Qaranimada dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in waxyaabaha shirka ka soo baxay qeyb ka tahay in Soomaaliya laga garab istaago dhanka horumarka ee loo qaadayo dhinaca Dowladnimada,dhanka gargaarka bini-aadanimo,sidoo kale shirkan waxaa lagu qiray in Xukuumadda Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar la taaban karo ee dhinacyada amniga,siyaasadda iyo waliba arrimaha Bulshada.

Warar kale oo mareegta Goobjoog News ay heleyso ayaa meesha ka saaraya in in dowladda Qadar ay bixisay “gabi ahaanba” lacagaha suurageliyay in shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka uu ka qabsoomo Sabtida maanta ahayd caasimada dalka ee Muqdisho.

Tallaabadani ayaa noqonaysa ifafaalo cusub oo qeyb ka ciyaari karaysa khilaafka Khaliijka ee ka dhex aloosan Qatar oo dhinac ah iyo xulufada Sacuudiga oo ay kamid yihiin Imaaraadka iyo Kuwayt.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News