U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasiir Diini “Masuuliyad Darrada Villa Somalia Ayaa Keentay Go’aamada Garoowe”

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedyada ayaa 25-kii bishaan October 2018 magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ka soo saaray warmurtiyadeed ku laran qodobo xasaasi ah oo su’aalo kale duwan dibadda u soo saaraya.

Shirka Garoowe waxaa ka horreeyay kii Kismaayo ay ku qabsadeen dowlad goboleedyada horraantii bishii September 2018-ka oo ay ku gaareen go’aanka ah in xukuumadda Muqdisho ay wada shaqeyntii ay la lahaayeen hakiyeen.

Wasiir xigeenka biyaha iyo tamarta dowladda Galmudug Maxamed Nuur Diini oo ay Goobjoog News wax ka weydiisay waxa qasbay in go’aannadani ay gaaraan dowlad goboleedyada, wuxuu ku sifeeyay “masuuliyad darro” ka jirta dhanka Villa Somalia.

Waxa uu tilmaamay in masuuliyad darradaasi ay keentay go’aamada dowlad goboleedyadu ku gaareen magaalada Garoowe, isagoo sheegay in shirka Dhuusamareeb lagaga hadlayo arrinta Soomaaliweyn.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News