U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasiir Hore Juxa Oo Eedeymo Culus U Jeediyay Villa Somalia

Sheeko:Amniga

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo ka hadlayay munaasabad loogu qabtay magaalada London ayaa eedeymo culus u soo jeediyay madaxda ugu sarreeysa dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Siyaasi Juxa oo ka hadlayay qaar kamid ah hab dhaqanka madaxda iyo masuuliyiinta xukuumadda Muqdisho ayaa si gaar ah u soo hadal qaaday weedha ah “Waa Markii Ugu Horreeysay”.

Cabdi Faarax Juxa ayaa carrabka ku dhuftay in dowladda ay la baxday Naaneeysta ah “Waa markii ugu horreeysay oo na la aqoonsado, waa markii ugu horreeysay oo roob da’o, waa markii ugu horreeysay oo meel cagaar leh la soo arko, , waa markii ugu horreeysay…. , waa markii ugu horreeysay…..”.

Wuxuu intaas hadalkiisa raaciyay siyaasi Juxa “Waxaase ah runtii markii ugu horreeysay taariikhda, waxaa markii ugu horreeysay ah in nin Soomaaliya oo madax ah oo Villa Somalia jooga oo calanka Soomaaliya hoos fadhiya uu nin kale oo Soomaali ah oo walaalkiis ah u gacan geliyo cid kale qaddiyadda Qalbi Dhagax iyo boogteeda ayaa ah taariikh cusub, taas ayaa ah markii ugu horreeysay”

Waxaa kaloo uu soo hadal qaaday arrinta sharciga Jinsiyadaha oo uu sheegay in markii ugu horreeysay ay tahay oo dowlad Soomaaliyeed ay su’aal geliso “Soomaalinimada”.

Cabdi Faarax Juxa ayaa soo noqday wasiirka waxbarashada Puntland, isagoo sidoo kale markii ugu dambeeysay ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya, wuxuuna hadda kamid yahay siyaasiyiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Puntland 2019-ka.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News