U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasiir Iska Casilay Xukuumadda Kheyre

Sheeko:Dalka

Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) oo ahaa Wasiirka Tamarta iyo Biyaha DF ee Soomaaliya, kana mid ah xildhibaannada Soomaaliya ayaa shirjaraa’id oo uu ku qabtay maantay magaalada Baydhabo waxaa uu si rasmi ah ugu shaaciyay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee Dowladda Soomaaliya.

Lafta Gareen oo hadda ka mid ah musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa isagoo ka hadlaya sababaha uu isaga casilay xilka wasiirnimo waxaa uu yiri “Waxaa igu kalifay in aan iska casilo xilka wasiirnimo, maadaama sharuudihii guddiga doorashada ay ku jirtay qof haya xil wasiirnimo in uusan tartanka ka qayb-gali karin, waxaan ku khasbanahay in aan u hoggaansamo awaamiirta guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed”

Musharax Cabdicasiis ayaa u mahadceliyay Raysalwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Agaasinka Guud iyo Shaqaalaha Wasaaradda, waxaa uu xusay in uu aad ugu faraxsanaa waqtigii ay soo wadashaqeeyeen, waxaana uu ka codsaday Raysalwasaare Khayre in uu ka aqbalo is casilaadiisa.

C/casiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa ka mid ah murashaxiinta ugu cad cad xilka Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, taasi oo dhacaysa 17ka bishaan November 2018.

Halkaan hoose ka dhageyso: