U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasiir Ka Tirsan Galmudug Oo Ka Jawaabay Hadalkii RW Kheyre Ee Daraf Seddexaad

Sheeko:Amniga

Wasiir xigeenka tamarta iyo biyaha dowladda Galmudug mudane Maxamed Nuur Diini oo wareysi siiyay  Goobjoog News ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin warka Raysal wasaaraha dowladda federaalka ka soo yeeray.

Wuxuu sheegay in Wasiirka koowaad Xasan Cali uu dalabka ka soo yeeray dowlad goboleedyada ee ahaa in loo baahan yahay daraf seddexaad aynaan waajib ahayn in ay Ajnabi noqdaan balse ay gacanta seddexaad noqon karaan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ama ururrada ay dowladda xubinta ka tahay sida IGAD, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta.

Wuxuu sheegay in khilaafka xukuumadda Muqdisho iyo dowlad goboleedyada caqabadaha ka dhallan kara ay badan yihiin, wuxuu sheegay in doorasho dalka ka dhacda 2020-ka Soomaaliya oo cod iyo qof ah iska daaye ayna suurtagal noqon karto in dowladda iyo maamullada ay kala go’aan.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

 

Goobjoog News