U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasiir Xoosh Oo Ka Warbixiyey Wadatashiyada Arrimaha Dastuurka Ee Ay Kala Sameeyeen Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Wasaaradda dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa wadda wadatashiyo ballaaran oo dadweynaha ku nool gobalada dalka looga dhageysanayo aragtiyadooda la xiriira dhameystirka dastuurka sida KMG ah loo meelmariyey.

Wasiirka wasaaraddaasi C/raxmaan Xoosh Jibril ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog waxa uu faah faahin kabixiyay mowduucyada ugu muhiimsan ee ay wasaaraddu kala tashanaeyso dadweynaha

Waxa uu sheegay wasiirka in waqti badan ay geliyeen arrimaha Dastuurka si looga saaro KMG islamarkaana la meelmariyo Dastuur dadka oo dhan ay aragti ku leeyihiin.

Maamullada dalka ka jira ayuu sheegay iney wadatashi kala yeesheen arrimaha Dastuurka sidoo kalena u bandhigeen qorshe howleedka wasaaradda Labada sano ee soo socota.

“Wadatashiga maamul goboleedyada aan la sameyneyno waxa waaye inaan usoo bandhigno oo ila arkaan qorshe howleedka ku aadan wasaaradda ee Labada Sano soo socota, waana lasoo qeybsaday qaarkood” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn rajo wanaagsan ka muujiyey in is faham fiican uu dhexmaro xukuumadda iyo maamul goboleedyada, islamarkaana aanay imaan is qabqabsi ama in maamullada ay u arkaan inaan wadatashi lagala sameyn arrimaha Dastuurka.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Goobjoog News