U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasiirada K/galbeed Oo Laga Dalbaday Wax Ka Qabashada Amniga, Dhaqaalaha Iyo Dib u Dhiska

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan deegaannada K/galbeed ayaa ka sugaya xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweyne C/casiis Lafta Gareen iney degdeg kula timaado waxqabad muuqda.

Dhallinyarada aqoonyahannada ah ayaa qaba in waxyaabaha hadda looga fadhiyo xukuumaddan tahay wax ka qabashada ammaanka, dhaqaalaha, dib u dhiska waddooyinka, caafimaadka, shaqo abuurka iyo sidoo kale furista waddooyinka xiran.

Sidoo kale shacabka ayaa sheegaya iney rajo wanaagsan ka qabaan in xukuumadda uu soo dhiso Lafta Gareen ay wax badan qaban karto.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

 

C/qaadir Abuu