U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasiirka Beeraha Oo Xog Badan Ka Bixiyey Heshiiskii Ay La Galeen TIKA

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Beeraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay heshiis todobaadkan ay la saxiixdeen hay’adda TIKA oo ku aaddan horumarinta beeraha.

Wasiirka wasaaraddan Saciid Xuseen Ciid oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in heshiiskan uu guul yahay, isla markaana haddii la fuliyo la dareemi doono isbedallo badan oo dhanka beeraha iyo waraabka ah.

Wuxuu sheegay wasiir Ciid in la dayactiri doono biyaxireenka Saabuuni iyo sidoo kale keydka biyaha ee Xawaadley.

“Heshiiskan aan la saxiixannay dowladda Turkiga, gaar ahaan TIKA, wuxuu ku saabsan yahay dayactirka biyaxireenka Saabuuni iyo keydka biyaha ee loo yaqaanno Xawaadley, oo Labaduba ah mashruuca Webiga Shabelle, webigaas wuxuu maraa Saddex gobol…dacayc badan baa we

biga ku dhacay muddadii burburka, biyaxireenka wuxuu ku fadhiyaa dhul 25 KM ah, haddii si fiican loo dayactiro wuxuu suurtagelin karaa in sanadkii oo dhan webigu biyo lahaado” ayuu yiri Wasiirku.

March 4, 2018, waxaa magaalada Muqdisho heshiis ku kala saxiixday hay’adda horumarinta Turkiga ee TIKA iyo Wasaaradda Beeraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana la doonayaa in sare loo qaado waxsoosaarka beeraha iyo waraabka.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Goobjoog News