U bood dhigaalka

Dhageyso: Wax Walbo Oo Ku Saabsan Kulankii Maanta Ee Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho.

Ajendaha maanta ee kulanka golaha shacabka ayaa ahaa akhrinta Saddexaad ee hindise Sharciyeedka Mashruuca Liilitirka Siyaasiyiinta.

Waxaa kulankan maanta soo xaadiray 170 mudane iyadoo uu shir guddoominayey Mudane Mursal Maxamed Sheekh.

Ugu dambeyn waxaa hindise sharciyeedkan la geliyey cod, iyadoo 167 xildhibaan ay sharciga u codeeyeen, waxaa diiday Hal mudane, iyadoo Labana ay ka aamustay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News