U bood dhigaalka

Dhageyso: Waxgarad Baaq u Diray Dhinacyada Isku Haya Gobolka Sanaag

Sheeko:Amniga

Qaar ka mid ah waxgaradka Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray beello walaalo ah oo isku haya deegaanno ka mid ah gobolka Sanaag.

Waxa ay waxgaradkan sheegeen in looga baahan yahay in la helo nabad oo la joojiyo colaadda.

Sidoo kale, waxay sheegeen waxgaradkan in looga baahan yahay cid walbo oo Somaliland ah iney kaalin mug leh ka qaadato sidii xiisadahan lagu damin lahaa.

Dhanka kale, waxgaradkan ayaa soo dhoweeyey wadahadallada nabadeed ee laga dhex-wado Somaliland iyo Jabhadda Korneel Caarre.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News