U bood dhigaalka

Dhageyso: Waxgarad Dalbaday In Doorashada K/galbeed Lagu Qabto Waqtigeeda

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah waxgaradka K/galbeed ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxay kaga hadleen arrimo ku aadan doorashada madaxweyne ee maamulkaasi.

Waxa ay sheegeen in marnaba aan la aqbali doonin dib u dhac ku yimaada doorashadaasi oo ay sheegeen in loo baahan yahay in lagu qabto waqtigii loo ballamay.

Qaar ka mid ah waxgaradkii hadlay ayaa ka hor yimid hadalkii dhowaan ay sheegeen golaha dhaqanka K/galbeed, kaasi oo ahaa in dib loo dhigay doorashada madaxweyne ee maamulkaasi.

Siyaasadda K/galbeed ayaa maalmahan dambe ahayd mid aad u qasan, iyadoo dowladda dhexe lagu eedeeyey iney faragelisay arrimahaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News