U bood dhigaalka

Dhageyso: Waxgarad Ka Hadlay Howlgal Ay Ciidanka DFS Ka Wadaan Afgooye

Sheeko:Amniga

Waxgaradka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka hadlay howlgallo ballaaran oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ka wadaan degmadaasi.

Nabadoon Maxamuud Axmed Hilaal oo ka mid ah waxgaradka ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in ay aad usoo dhoweynayaan ciidamo cusub oo DFS geysay degmadaasi.

Waxa uu sheegay degmada Afgooye iney kusoo bateen falalka amni xumida ah, islamarkaana ciidanka hadda la keenay u arkaan kuwo amniga wax badan ka bedali doona.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo badan oo Booliis ah waxay geysay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kuwaasi oo wada howlgallo joogto ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News