U bood dhigaalka

Dhageyso: Waxgarad Ku Baaqay Joojinta Dagaal Beeleed Ka Dhacay Galgaduud

Sheeko:Amniga

Waxgarad Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyo kasoo cusboonaaday deegaanno ka mid ah gobolka Galgaduud, kaa oo u dhaxeeya beello walaalo ah.

Waxay sheegeen waxgaradkan in wax laga xumaado ay tahay dagaalladii dhacay, balse loo baahan yahay xilligan in wixii dhacay laga gaaro si aanay dhibaato kale u dhicin.

Sidoo kale, waxgaradkan baaqa jeediyey ayaa sheegay sidoo kale in looga baahan yahay culimada iyo waxgaradka ku sugan nawaaxiga halka lagu dagaallamay iney nabadda ka shaqeeyaan oo beelahaas heshiisiiyaan.

Maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa ku dagaallamay deegaanka Bulacley ee gobolka Galgaduud iyo deegaanno kale oo ku dhow deegaankaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News