U bood dhigaalka

Dhageyso: Waxgaradka Cadaado “Caruurtiina Haddii Ay Hoos Joogaan Kuweenna Yaan Qoraxda Loo Saarin”

Sheeko:Dalka

Odoyaasha dhaqanka degmada Cadaado ayaa kulan ay yeesheen waxa ay kaga digeen qalalaase ka dhaca degmadaasi, waxaana ay ku baaqeen xasilooni siyaasadeed.

Waxay odoyaashaan sheegeen in aysan aqbali doonin xasilooni darro laga abuuro degmada Cadaado, lana doonayo in wax walbo oo quseeya maamulka in si hoose loo dhaqo.

Xasan Dhoore Guuleed oo kamid ah waxgaradkan hadlay ayaa sheegay in shacabka Cadaado ay dhibaato ku qabaan rasaas iska dhaceysa, qalaalsaha jira iyo arrimo kale.

“Waxaan leenahay dadka walaalaha ee meesha isugu yimid magaaladan nabad ayeey nagu deeqdaa ee Xabad naguma deeqdo….Walaalayaal nin walbaa carruurtiisa hoos haddii ay joogto yaan kuwayaga qoraxda loo saarin” ayuu yiri Nabadoonka.

Ugu dambeyn, waxgaradka Cadaado ayaa sheegay in haddii madaxda Galmudug ay isku fahmi waayaan wadahadallada ay u yeertaan cid walbo oo wax ka qaban karta, uguna horreeyaan waxgaradka.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News