U bood dhigaalka

Dhageyso: Waxgaradka Matabaan Oo Ku Howlan Xallinta Dagaallo Ka Dhacay Deegaanno Ku Dhow Degmadaas

Sheeko:Amniga

Waxgaradka ku dhaqan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney wadaan dedaallo badan oo lagu doonayo in lagu xalliyo dagaal beeleedyada ka jira deegaanno hoostada degmadaasi.

Maxamuud Xasan Cali oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in waxgaradku is abaabulay ayna ka go’an tahay kala dhexgalka dhinacyada is haya.

Wuxuu sheegay sidoo kale, iney baaqyo u direen maamullada Galmudug iyo Hirshabelle si ay kaalintooda u muuqato.

Dagaallo geystay khasaare kala duwan ayaa ka dhacay deegaannno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxayna dagaalladaan yihiin kuwo soo noq-noqday.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News