U bood dhigaalka

Dhageyso: Waxgaradka Mudug Oo Ka Horyimid Go’aankii Ay Maamul Goboleedyada Ku Hakiyeen Xiriirkii Dowladda Dhexe

Sheeko:Dalka

Waxgaradka gobolka Mudug ayaa ka horyimid go’aankii ay maamul goboleedyada ku hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda Dhexe.

Waxa ay sheegeen in ka waxgarad ahaan aanay aqbali doonin arrintaasi, iyaga oo si gaar ah u eedeeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Shir ay maanta iskugu yimaadeen Odoyaashan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegeen in si cad ay uga soo horjeedaan go’aanka ay qaateen Madaxda maamul goboleedyada dalka gaar ahaan waxaa ay dhaliil kulul u soo jeediyeen Madaxweyne Xaaf oo sheegay in maamulkiisa uu xariirka u jaray dowladda dhexe.

Waxgaradka iyo Odoyaasha waxaa ay hoosta ka xariiqeen in marnaba aysan raali ka aheyn in xiriirka loo jaro dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa ay intaas ku dareen in uusan Matalin Madaxweyne Xaaf iyaga oo farriin u diray Madaxda sare ee dowladda Federaalka.

War-murtiyeed laga soo saaray shalay shirkii golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in lagu hakiyey xiriirkii ka dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Waxa ay dowlad goboleedyada sidoo kale ku eedeeyeen dowladda dhexe farogelin gudaha maamullada ah.

 

 

120319_001

 

 

 

Goobjoog News