U bood dhigaalka

Dhageyso: Waxgaradka Sool Oo Ku Baaqay In La Siidaayo Nabadoon Ku Xiran Hargeysa

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan deegaanka Adhi-cadeeye ee gobolka Sool ayaa ku baaqay in lasii daayo nabadoon Ibraahim Maxamed Muuse Hurre, kaasi oo ku xiran magaalada Hargeysa.

Waxgaradkan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay la yaab ku noqotay kadib markii xabsiga loo taxaabay Nabadoon Hurre oo Labo wiil oo uu adeer u ahaa la diley, meeshii uu cadaaladda ka sugayeyna isaga xabsiga loo taxaabay.

“Waxaan la yaabannahay in lasii xiro dhibane Hurre oo Labo wiil uu adeer u yahay isku meel lagu diley, isagana lagu sii xirey Hargeysa, waxaan leenahay maamulka Somaliland sii daaya nabadoonka, cadaaladdana ka shaqeeya” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka la hadlay Goobjoog News.

Dhanka Somaliland kama aanay hadal xarigga nabadoonka iyo wax ka jira in isaga oo dhibane ah xabsiga lasoo dhigay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News