U bood dhigaalka

Dhageyso: Waxqabad La’aan Lagu Eedeeyey Maamulka Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Xildhibaan hore Xasan Cabdi Xasan Dhuxul, ayaa waxa uu maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Waare ee Hirshabelle ku eedeeyey inaanu wax shaqo ah ka qaban magaalada B/weyne oo xilligaan ay xaalad adag ka taagan tahay.

Xildhibaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in wax maamul ah aanu jirin marka loo eego dayacaadda ka taagan deegaannada Hirshabelle gaar ahaan B/weyne.

Waxa uu tilmaamay Dhuxul in dadku aysan haysan cid u gurmata, islamarkaana dadka uga carareen magaalada B/weyne biyo badan oo magaalada soo galay, welina biyaha ay soo socdaan.

“Maamul meeshana ka jiro malahan, biyaha magaalada ayeey soo galeen cid walbo waxay aadday meesha ay ku badbaadeyo, wax ay haystaan dadka maleh” ayuu yiri xildhibaan hore Xasan Dhuxul.

Ugu dambeyn, Xasan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale hay’adaha samofalka ah in ay gurmad lasoo gaaraan dadka shacabka ah ee ka barakacay fatahaadda Wabiga Shabelle.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News