U bood dhigaalka

Dhageyso: Wejiga Labaad Ee Shirka Lagu Heshiisiinayo Beelihii Ku Dagaallamay Cadalle Oo Maanta Ka Furmaya Jowhar

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in la bilaabo wejiga Labaad ee shirka dib u heshiinta ka socda Jowhar, kaasi oo lagu heshiisiinayo beelihii ku dagaallamay degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Wariyaha Goobjoog ee Sh/dhexe Cismaan Cabdalla, ayaa soo sheegaya in waxgaradka Labada dhinac oo ku sugan Jowhar ay sii amba qaadi doonaan waxyaabaha kale ee u yaalla.

Sidoo kale waxay waxgaradkan ka hadli doonaan khasaarihii ka dhashay iyo sida wax lagu xalin karo.

Wejigii Koowaad ee shirkan ayaa lagu guuleystay in Labada dhinac ay kala saxiixdaan heshii Labo qodob ka kooban kaasi oo ah xabad joojin iyo kala qaadista Maleeshiyaadkii dagaallamay.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News