U bood dhigaalka

Dhageyso: Xaaf Iyo Waxgaradka Gaalkacyo Oo Arrimo Muhiim Ah Ka Shiray

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa kulamo xalay uu la qaatay waxgaradka magaaladaasi kala hadlay arrimo dhowr ah.

Kulamadii xalay ayaa waxyaabaha sida gaarka ah looga hadlay waxaa ka mid ah arrimaha ammaanka iyo sidoo loo dardargelin lahaa ka shaqeynta ammaanka magaaladaasi.

Sidoo kale, madaxweyne Xaaf ayaa isla xalay la kulmay madaxda maamulka gobolka Mudug iyo kan magaalada Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in madaxweyne Xaaf uu kulamo la qaato maanta qeybaha kala duwan ee bulshada isaga oo kala hadli doono xasilinta Gaalkacyo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News