U bood dhigaalka

Dhageyso: Xaalad Aadag Oo Soo Wajahday Qoysaskii Ka Barakacay Dagaalladii Sool

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay soo wajahday qoysaskii dhowaan ka barakacay dagaalladii xooganaa ee ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Wariyaheena Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in dadkan ay hadda soo wajahday xaalad cunno la’aan, biyo la’aan iyo sidoo kale inaanay haysan meelo ay degaan.

Dadkaan ayaan helin gurmad muddo 7-aad ah, sababta ugu weyn ee aanay gargaarka u helin ayaa ah in aanay jirin meello loo maro deegaannada ay dadkaan tageen maadaama waddooyinkii la mari lahaa ay weli isku horfadhiyaan maleeshiyaadkii dagaallamay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News