U bood dhigaalka

Dhageyso: Xaaladda Ammaan Ee Buuloburde

Sheeko:Amniga

Maamulka magaalada Buuloburde ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in cabsi amni ay ka jirto magaaladaasi.

Todobaadkani waxaa qaraxyo kale duwan ay ka dhaceen degmadaasi, kuwaas oo la soo sheegayo inuu ka dhashay khasaare, islamarkaana masuuliyadda ay sheegatay Xarakada Alshabaab.

Guddoomiye xigeenka degmadaasi Liibaan Cabdi oo la hadlay Goobjoog News wuxuu sheegay in wax qalqal amni oo ka jira magaalada uusan jirin.

Waxaa uu dafiray qaraxyo ka dhacay degmada Buuloburde oo ah caasimadda labaad ee gobolka Hiiraan, kuwaasoo lala eegtay mid kamid ah ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Jabuuti.

Guddoomiye xigeenka Buuloburde ayaa ka dhawaajiyay in dhowaan ay ay furi doonaan wadada isku xirta magaalooyinka Buuloburde iyo Baladweyne.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

 

Goobjoog News