U bood dhigaalka

DHAGEYSO: Xaaladda Caruurtii Ku Dhaawacantay Qaraxii Ugu Dambeeyay Ee Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Saddex caruur ah oo ku dhaawacmay 4-tii bishan qarax ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho ayaa hadda waxay yihiin kuwo u baahan gurmad caafimaad.

Caruurtaan iyo hooyadood oo maalin joog ka yimid ayaa waxaa haleelay qaraxii dhacay,120806_001 waxaana halkaasi ku dhintey Hooyadii oo lagu magacaabayey Faadumo Muuse Xaashi.

Caruurta waxyeellada soo gaartay waxaa xaalad ahaan ugu daran midka ugu yar, sida ay inoo sheegtay Xabiibo Faarax Rooble oo ah hooyada marxuumadda.

Wariyaheena Maxamuud Cali Xaaji oo caruurtaan ku booqday Isbitaalka Daaru-shifaa ayaa warbixintaan ka diyaariyey.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News