U bood dhigaalka

Dhageyso: Xaaladda Qoysaskii Ka Barakacay B/weyne Oo Aad Looga Deyriyey

Sheeko:Dalka

Waxaa xilligaan aad looga deyrinayaa xaaladda dadkii ka baracakay magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan iyo sidoo kale kuwo weli ku go’ddoonsan xaafado ka mid ah magaaladaasi.

Xubno ka mid ah guddiga gurmadka qaran, wasiiro iyo xildhibaanno tagay B/weyne ayaa sheegay in dadkaan u baahan yihiin in lala soo gaaro gurmad aad u adag.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaashii tagay B/weyne ayaa sheegay in dadkaan aan indhaha laga daawan karin, islamarkaana u baahan yihiin gacan qabasho dhab ah.

Dadka ka barakacay B/weyne ee ku sugan duleedyada magaalada ayaan haysan meello ay ku hoydaan, cunto iyo sidoo kale caafimaad.

Wabiga Shabelle ayaa si isku mid ah ugu fatahay dhammaan xaafadaha magaalada B/weyne, waxaana weli laga cabsanayaa in wabiga uu biyo kale keeno.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Halkaan ka dhageyo codadka

Goobjoog News