U bood dhigaalka

Dhageyso: Halkee Ayeey Ku Dambeeyaan Xubnihii Al-shabaab Looga Qabtay Dagaallada Puntland?

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, C/xakiin Claahi Camey ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyaan xubno ka mid ah Al-shabaab oo ciidamada maamulkaasi ku qabteen deegaanno ka mid ah Puntland.

Camey ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku qabteen ku dhowaad 100 ka mid ah Al-shabaab, qaarkoodna loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Ku dhowaad 30 qof ayuu sheegay in qaab dhaqan celin ah loogu soo qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale kuwo dilala ku xukuman ay ku jiraan Xabsiyada.

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Al-shabaab lasoo qabtay 2016 misane ku xukuman dil ay weli xabsiyada ku jiraan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News