U bood dhigaalka

Dhageyso: Xaggee Buu Marayaa Ololaha Xisbiga Villa Somalia?

Sheeko:Dalka

Raysal wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta tegay xarunta guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka.

Diinwaagaliyaha xisbiyada qaranka ayuu sheegay in uu ku soo wareejiyay foomka xisbiyada iyo sharuucdooda.

Ra’iisal wasaare xigeenku, mudane Mahdi baa hadalkiisa intaa ku daray in ay soo wadaan xisbi sal weyn oo dastuur iyo siyaasad laga baaraandegay wata.

Qorshaha lagu doonayo in lagu dhiso xisbigani oo ka soconaya Villa Somalia ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan magaalada Muqdisho looga dhawaaqay isbahaysi ay ku midoobeen seddex xisbi siyaasadeed oo heysta aqlabiyadda baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaasi oo uu guddoomiye KMG ah u yahay madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Horay Villa Somalia ayaa loogu eedeeyay in ay ku mashquulsan tahay olaha doorashada 20250-ka ee Soomaaliya.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News