U bood dhigaalka

Dhageyso: Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegayo Deegaanno Kamid Ah Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka saakay oo Khamiis ah ka imaanaya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeeysa dad xoolo dhaqato ah kuwaasi oo kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug.

Deegaanno dhowr ah oo  hoostaga deegaanka Godod ayaa lasoo sheegayaa iney isku uruursanayaan maleeshiyaadka Labada dhinac, waxaana laga baqayaa in la dagaallamo.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in barakac uu ka jiro deegaannada hadda la isku horfadhiyo, waxaanan jirin dedaallo muuqdo oo xisdan lagu daminayo.

Xiisadan ayaa ka bilaabatay xoolo la kala dhacay, iyadoo maamullada Puntland iyo Galmudug aysan ka hadal arrintan.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News