U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Hirshabeelle “Dowladdu Waxay Nagu Heysaa Farogellin”

Sheeko:Amniga

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin oo kamid ah baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in eedeymihii uu madaxweyne Waare u jeediyay dowladda dhexe ay dhammaantoodba yihiin kuwa xaqiiqadooda la hayo.

Wuxuu sheegay xildhibaanku in ay tabasho ka qabeen xukuumadda Muqdisho, islamarkaana halkii ay ka doonayeen in tabashada ay ka xalliyaan loogu beddalay culeysyo siyaasadeed in ay la saaro.

Xildhibaanka oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa qiray in ay jirto eedda uu Madaxweyne Waare u jeediyay xukuumadda gaar ahaan NISA oo ku aadan in ay lacago geeyaan magaalooyin ay kamid yihiin Baladweyne iyo Jowhar kuwaasoo lagu dhibaateeyo.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News