U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Hirshabelle Ah Oo Sheegay In Xil Ka Qaadistii Cosoble Kadib Ay Qabteen Shaqooyin Badan

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Mukhtaar Xasan oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in isbedal shaqo ay sameeyeen wixii ka dambeeyey xil ka qaadistii Cosoble.

Waxa uu tilmaamay Xildhibaanka oo la hadlay Goobjoog News, in baarlamaanka uu yeeshay kulamo aad u xasaasi ah, kana duwan kuwii hore.

Mukhtaar ayaa sheegay in shaqada hadda ay qabteen ay ka dhigan tahay mid ka xoog badan mudadii uu baarlamaankaasi shaqeynayey.

Dhanka kale, waxa uu sheegay xildhibaan Mukhtaar in hadda ay socoto qabanqaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha Hirshabelle, islamarkaana 30 cisho oo kaliya ay haystaan guddigan.

Waxa uu xildhibaanka Rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada madaxweynaha Horshabelle ay ku dhacdo waqtigii loogu talogalay.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Goobjoog News