U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Hore Cabdicasiis Yuusuf “Walwal Weyn Baan Ciidanka Badda Itoobiya Ka Qabaa”

Sheeko:Amniga

Xildhibaan hore DR Cabdicasiis Sheekh Yuusuf Ibraahim oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa walaac ka muujiyay dhisitaanka ciidanka badda oo dowladda Itoobiya ay si weyn u qorsheyneyso iminka.

Itoobiya waxay wadaa dadaal ballaaran oo ku aadan sidii ay u dhisan lahayd ciidan badeed oo xoog badan awoodna u leh in badda ay ka howlgalaan gaar ahaan badda cas iyo badweynta hindiya oo u dhow.

Cabdicasiis ayaa soo dhoweeyay kulanka seddex geesoodka ah ee madaxweyneyaasha Farmaajo, Afawerki iyo Raysal wasaare Abiy ay ku yeelanayaan Itoobiya, wuxuuna sheegay in dalalka deriska ah ay iska kaashadaan ganacsiga, nabadgalyada iyo arrimaha kale ee nolosha bulshada ku saleysan ay muhiim tahay balse walwal uu ka qabo ciidanka badeed.

“Walwalka aan qabo waxaa weeye, in dalkeenna oo 15 Malyan lagu sheego dadkiisa ay si xoog ah oo siyaasadi ku jirto ay u qaadato Itoobiya oo 100 Malyan ah ciidan ahaan ama shacab ahaan waana sida ay hadda howsha ku socoto” ayuu yiri DR Cabdicasiis Sheekh Yuusuf.

Ugu dambeeyn, wuxuu soo jeediyay in Soomaalida ay ka feejignaato arrintaasi oo uu ku sifeeyay mid lagu degdegayo, dhowr arrimood buu u sababaynayaa.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News